Khilaaf soo kala dhex galay RW Abiy Ahmed & Guddiga abaalmarinta Nobel

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay inuusan ka qayb gali doonin todobaadka soo socda shirka jaraa’id oo ahaa mid soo jireen ah marka uu guddoomayo abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize.

Guddiga Golaha abaalmarinta Nobel-ka iyo madaxa machadka Nobel, Olav Njølstad, ayaa warbaahinta u sheegay in go’aanka Mr. Abiy uu dhibaataynayo guddiga, iyadoo Tallaabadan ay cambaareeyeen dad badan.

Mac-hadka Nobel iyo guddiga ayaa qabay rajo ah in Abiy Axmed uu oggolaan doono inuu ka soo qeyb galo shirka jaraa’id ee lagu gudoonsiinayo abaal marintan caalamiga ah.

Mr. Abiy ayaa lagu rabaa inuu tago magaalada Oslo 9-ka bisha December, xilligaasoo ah maalin ka hor xafladda abaalmarinta.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaare Abiy, Billene Seyoum ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Mr Abiy uu ku mashquulsan yahay arrimo xasaasi ah oo ka taagan dalkiisa, kuwaasoo ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -