Culimada Al-Shabaab oo fatwo ka soo saaray Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur

Culimo ka tirsan Al-Shabaab oo ka qeyb qaadanayey barnaamij ka baxay Idaacada ku hadasha codka kooxdaas ee Andalus ayaa gaalnimo ku xukumay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ay ku eedeeyeen inuu beeniyey qaar ka mid ah axaadiista ka sugnaatay nebiga NNKH.

Barnaamijkaas Culimada ka hadlay waxaa ka mid ahaa Shiikh C/waaxid Isaaq Muudey iyo Sheekh Jaamac Cabdisalaan oo labadaba sheegay in C/raxmaan C/shakuur uu ku jeesjeesay Diinta iyo Axaadiista.

ā€œWuxuu ku dhacay Arrimo waaweyn oo khatar ah, gaalnimo waa ku jiraa, axaadiis dhowr ah ayuu beeniyay, sida soo socotana aayad ayuu beeninayaa, axaadiista Nabi Muxamed NNKH ka sugnaaday ayuu ka dhigay wax la been abuuray oo rag jeebka kala soo baxeenā€ ayuu yiri Shiikh Jaamac Cabdisalaan.

Culimada Al-shabaab ayaa ku baaqay in magaca laga bedelo C/raxmaan C/shakuur, loona bixiyo magacyo ay ka mid yihiin Cabdi-kafuur, Cabdi-Diinaar iwm.

C/raxmaan C/shakuur ayaa beeniyey inuu wax qalad ah ama meel ka dhac ah ku sameeyey diinta islaamka iyo axaadiista Nebiga.

Waxaa sii xoogeysanaya culimaaā€™udiinka Soomaaliyeed ee sida weyn u cambaareynaya hadalka uu C/raxmaan C/shakuur ku beeniyey qaar ka mid ah axaadiista Nebiga, iyagoo ka dalbaday inuu qirto gefkiisa kana towbad keeno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -