Daawo Sawirada: Kooxaha Gurmadka deg dega ee Muqdisho iyo Gaadiidka ay adeegsadaan oo …

Maamulka gobolka Banaadir ayaa diyaariyay heegan buuxana galiyay kooxaha gurmadka deg dega iyo gaadiidka kala duwan ay adeegsadaan si ay uga hortagaan hadii ay yimaadaan musiibooyin deg deg ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer ku sameeyay xarun lagu diyaariyay kooxaha gurmadka iyo sidoo kale gaadiidka xaaladaha deg dega loo adeegsado.

Duqa Muqdisho ayaa indhihiisa ku arkay kooxaga gurmadka deg dega iyo gaadiidka isugu jiray gurmadka deg deg ah ee Dabdamiska, gadiidka gargaarka caafimadka iyo gaadiidka booyadaha Xambaara oo loo diyaariyay sidii ay gurmad deg dega u bixin lahaayeen hadii musiibo timaado.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray digniin culus oo ku saabsan roobab mahiigaan ah oo saacadaha iyo maalmaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -