Raisul Wasaare Khayre oo Shirweyne balaaran ka furay Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo maanta daah furay shirweynaha qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay mudnaan siinta dhalinyarada oo laf dhabar u ah horumarka bulshadda iyo ilaalinta qaranimada.

Shir weynaha sedaxaad ee Dhallinyarada ee Ra’iiusl Wasaaruhu daah-furay oo ay kasoo qayb galeen boqollaal dhallinyaro ah, soconayana Deseembar 01-04, 2019, ayaa halkudhiggiisu yahay “Milkiilayaasha Dalku ma ogola musuq maasuq iyo xagjirnimo”, waxaana looga hadlayaa La dagaallanka musuq maasuqa, La dagaallanka xagjirnimada iyo Ka qeyb galka dhallinyarada ee arrimaha Siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay dagaalka argagaxisada iyo fikirka xagjirnimada maadaama argagaxisadu aysan ogoleyn horumarka dalka, ilaalinta qarannimada, isaga oo tusaale u soo qaatay in dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay argagaxisadu soo weerartay in ka badan 10 jeer si ay uga hor tagto horumarka la hiigsanayo.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u mahad celiyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha ciidanka hoggaamisa ee u taagan ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale sheegay inta uu dalka musuq ka jiro aan Caddaaladi jiri karin, kala dambeyn iyo dowlad xoog leh aan la heleyn, argagaxisana laga adkaado, ayaa dhallinyarada ku dhiirri geliyay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo dowladnimada, qaybtoodana ay ka qaataan dagaalka lagula jiro musuqa, isagoo ugu dambeyn ugu baaqay Dhallinyarada in ay is-weydiin meesha hadda la joogaa, jihada loo socdo iyo waddada loo marayo si loo gaaro horumarka la hiigsanayo, Dhaxal reer fiicanna loo helo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -