Axmed Madoobe & C/naasir Seeraar oo heshiis hordhac ah ku gaaray Nairobi

Xalay waxaa kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Nairobi Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo C/Naasir Seeraar oo ka mid ah Xubnaha mucaaradsan ee ka soo horjeeday dib u doorashadiisii.

Wararka kulankaas laga helayo ayaa sheegaya in xal laga gaaray khilaafkii Axmed Madoobe iyo Cabdinaasir Seeraar ee ka dhashay doorashada, ka dib dhexdhexaadin ay sameeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Kenya.

Faahfaahin lagama bixin heshiiska ay labada masuul gaareen iyo nuxurka uu xambaarsan yahay balse wararka hoose ayaa sheegaya in Seeraar uu ogolaaday doorashada Axmed Madoobe, uuna ka tanaasulay sheegashada Madaxweynaha Jubbaland.

Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan Golaha Shacabka oo labaduba kasoo horjeedaan Axmed Madoobe ayaa mid kasta taageerayaashiisa waxay magaalada Kismaayo ugu doorteen Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa dib doorashadiisii muranka dhalisay ka dib sheegay inuu diyaar yahay inuu xaliyo cid kasta oo wax ka tabanayesa, waxaana maalmahaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu kulamo kula qaadanayay siyaasiyiin iyo madax kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -