(Sawirro) Boqolaal arday ka aflaxday Jaamacada Benaadir oo shahaadooyin la gudoonsiiyey

Munaasabad ballaaran oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey boqolaal arday oo ka qelin jebiyay 10 ka mid ah 11 kuliyadood ee ay ka kooban tahay Jaamacadda Benaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladan oo si weyn loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan goleyaasha Xukuumada iyo Baarlamanka Somalia, Madaxda Jaamacadaha kale qaarkood qeybaha kala duwan bulshada, fanaaniin, waalidiin, arday, wakiilo ka socday Shirkadaha iyo bankiyada dalka, Maamulka Jaamacada Benadir oo aan u kala harin iyo marti sharaf kale.

Intii ay munaasabadan socotay ayaa koox fanaaniin ah waxay halkaas ku soo bandhigeen heeso iyo suugaan khiiro badan oo ka turjumeysay qiimaha Waxbarashada iyo dhibaatada jahliga.

Gudoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay munaasabadan ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin faraxadeed uuna u hambalyeynayo ardayda qelin jebisay isagoo dhinaca kale ku dheeraaday asaaska jaamacada marxaladihii ay soo martay, horumarka ay ku talaabsatay iyo qorsheyaasha ay higeysaneyso mustaqbalka.

“Maanta waa maalin xusuus mudan, waxaana naga qelin jebineysa 630 aqoonyahan, 269 ka mid ah waa dhaqaatiir ka qelin jebiyey kuliyada Caafimaadka waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay bahda caafimaadka Soomaliyeed,  Kuliyada shareecada iyo qanuunka waxaa ka aflaxay 19 aqoonyahan, Kuliyadda Xanaanada Xoolaha 20 aqoonyahan, Kuliyadda Waxbarashada 20 aqoonyaahan, Kuliyadda kombiyuutar Sayniska 18 aqoonyahan, Kuliyadda culuunta caafimaadka 37 aqoonyahan, Kuliyadda beeraha 38 aqoonyahan, Kuliyada dhaqaalaha & maamulka 143 aqoonyahan iyo Enginering oo 20 aqoonyahan ay naga aflaxday, waxaa xusid mudan sanadkan dufcadii ugu horeysay ay ka soo baxday Kuliyadda kheyraadka dhulka (Geo-Science) oo 35 aqoonyahan ay ka qelin jebisay” ayuu yiri gudoomiye Biday oo mustaqbal wanaagsan u rajeeyey ardayda qelin jebisay, isagoo u mahad celiyey waalidiintii mudada dheer ku soo dedaalay iyo macalimiintii wax soo baray.

Gudoomiyaha guddi hoosaadka adeega bulshada ee Aqalka sare Seantor Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa isna sheegay in 269-ka aqoonyahan ee ka qelin jebiyay Kuliyadda dhaqtarnimada ay yihiin kuwii ugu badnaa ee isku mar ka qelin jebiya Jaamacadda Banaadir, taasoo uu xusay inay astaan u tahay horumarka Jaamacaddu ku talaabsatay mudada ku dhow 20-ka sano ah ee ay jirtay, wuxuuna hambalyo u diray dhamaan ardayda qelin jebisay isagoo u mahad celiyey madaxda iyo marti sharafta kale ee xafladan ka soo qeyb gashay.

Wasiirka ku-xigeenka Caafimaadka xukuumada Somalia, ahna ku-simaha Wasiirka oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa hambalyada guud ka sokow sheegay in aqoonyahanada ka qelin jebiyey gaar ahaan dhaqaatiirta ay muhimad gaar ah u leeyihiin Wasaaradiisa isagoo balan-qaaday iney diyaar u yihiin iney gacan ku siiyaan sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee xukuumada Somalia Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa isna sheegay inuu farxada iyo hambalyada la wadaaagayo ardayda aflaxday, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyey Jaamacada Benadir oo uu sheegay iney soo saartay 30 sano ka dib aqoonyahano bartay cilmiga iyo kheyraadka dhulka oo uu xusay iney dalka aad ugu yar yihiin, kuna soo beegmeen xili aad loogu baahnaa, maadaama ay Somalia dedaal ugu jirto mustaqbalka dhow iney soo saarto shidaalkeeda.

Ugu dambeyn waxaa hadalkii qaatay Gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi oo bogaadin iyo hambalyo u diray ardayda qelin jebisay oo uu sheegay in looga fadhiyo ka qeyb qaadasha dib u dhiska dalkooda.

“Dal kasta horumarkiisa waxaa horseed u ah dedaalka ay muujiyaan aqoonyahanadiisa, wadamada horumaraya ee aad arkeysaan aqoon iyo cilmi baaris ayey ku gaareen, waxaana la idinka fadhiyaa inaad sidaas la mid dadkiina iyo dalkiina u horseedaan, Soomaaliya oo hadda burburka ka soo kabaneysana idinka iyo kuwa idinla mid ah ayey u baahan tahay” ayuu yiri gudoomiye Xaashi oo kula dardaarmay aqoonyahanada qelin jebiyey iney dedaalkooda waxbarasho halkiisa ka sii wadaan.

Hadalo isugu jiray hambalyo, guubaabo iyo dardaaran ayaa waxaa intii munaasabadan ay socotay ka jeediyey Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Mu’asasada tacliinta sare ee Benaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti), Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Maaliyada ee Jaamacada Benaadir C/raxmaan Xasan Cumar, guddoomiyaha Dallada Jaamacadaha Soomaaliyeed ee (Somaliren) Dahir Hassan Carab iyo xubno kale.

Gudoomiye Xaashi iyo madaxii kale ee munaasabadan goob jooga ka ahaa shahaadooyin gudoonsiiyeen ardayda ka qelin jebisay kuliyadaha jaamacadda Banaadir ee kaalimaha hore galay iyo waxaana xafladaas ay ku soo dhamaatay jawi farxadeed oo aad u qurux badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -