Allbanaadir.com
NEWS

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo war wadajir ah soo saaray shaacana ka qaaday…

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaaciyay in maalinta beri ah oo ay taariikhdu tahay 22-ka bisha June, uu si rasmi ah u xirmayo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.

Qoraalka ay soo saareen guddoonka labada Aqal ayeyna ugu mahadceliyeen xildhibaannada Aqalka Sare iyo kan Golaha Shacabka, sidii ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah intii lagu guda jiray kalfadhigga lixaad ee beri soo xirmaya.

Ugu dambeyn guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ugu baaqay xildhibaannada labada Aqal inta uu xiran yahay kalfadhigga in ay gutaan howlaha loo igmaday sida uu qeexayo qodobada iyo xeer hoosaadka labada Aqal u degsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo hal arrin u soo jeedisay Ruushka

Caydiid Ali

Maxaa iska badalay Xaalada Dhaawac ee Duqa Muqdisho & Qofka qaraxa fuliyay oo la iswaydiinayo sida uu u gudbay !!

admin

Shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---