Allbanaadir.com
NEWS

Wakiillada Mossad ee Iran jooga oo Fursad kama dambeys ah oo la siiyay

Sirdoonka Israa’iil ee Mossad, ayaa wakiillo badan ku dhax sameestay gudaha dalka Iran, waxa ayna si fudud ku heleen sirdoonka Israa’iil xogo badan oo muhiim ah, taa oo sababtay in ay si fudud ku dilaan taliyaan sar sare oo Kacaanka Iran katirsan , khuburo iyo xubno kale oo muhiim ah.

Gudaha Iran ayey sidoo kale ugu suurto gashay sirdoonka Israa’iil in ay ka sameestaan xarumo qarsoodi ah ay ka qaadaan weeraro ay u adeegsadeen diyaarado aan duuliyo laheyn, kuwaa oo fuliyay weeraro qaraxyo lagu bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah.

Sirdoonka Iran, ayaana bilaabay howlgallo culus ay ku bartilmaameedsanayaan xubnaha dowladda katirsan iyo kuwa bannaanka jooga ee la shaqeenaya sirdoonka Israa’il ee Mossad, waxa ayna Sirdoonka Iran qabteen xubno dhoor ah oo Israa’iil la shaqeenayay iyo sidoo kale qalab ay ku jiraan Drones.

Golaha sare ee amniga Iiraan, oo kulan xasaasi ah yeeshay , ayaa digniin kama dambeys ah waxa ay u direen xubnaha Mossad la shaqeeya ee ku sugan gudaha Iran, waxa ayna ka dalbadeen in xubnahaasi ugu dambeyn in ay isa soo dhibaan 23-ka bishan June.

Xubnaha la shaqeeya sirdoonka Israa;iil ee Mossad, ayaa sidoo kale laga dalbaday in si iskood ah isku soo dhiibaan, sidoo kale soo wareejiyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo agabyada kale ay ugu shaqeenayeen sirdoonka Israa’iil.

Golaha sare ee amniga dalka Iran, ayaana caddeeyay cidii amarkooda ka biyo diida isna soo dhiibi weysa muddada loo qabtay, in laamaha amaanka Iran amar u qabaan in ay soo xiraan kana qaadaan tallaabooyin adag o jawaab u ah ficilada foosha xun ay ku kaceen

. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirro laga soo qaaday Weerarka Al Shabaab ku qaadeen Dhismo kuyaala Nairobi

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Maraakiibta waaweyn ee dalxiiska oo gaaray Magaalada Doha (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka hadlay xiisadaha ka taagan Magaalada Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---