Farmaajo oo maanta la kulmaya Madaxda Xisbiyada dalka & Xisbi qaadacay

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu kulan la qaato masuuliyiinta Xisbiyada siyaasadda ee heysta shahaadada KMG ee Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Agaasimaha Madaxtooyadda Somalia ayaa ku wargaliyay masuuliyiinta xisbiyada casuumadda Madaxweyne Farmaajo.

Inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha Madaxweyne Farmaajo uu kala hadli doono Madaxda xisbiyada, haddana kulankan ayaa daba socda kulan maalmo ka hor Madaxweyne Farmaajo la qaatay madasha Xisbiyada oo ay ku midoobeen illaa lix xisbi, kaasoo ay horkacayeen madaxdii hore ee dalka Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh.

Dhinaca kale, Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa qaadacay ka qeyb galka kulankan, iyagoo sheegay inuu yahay mid maaweelo ah.

Xisbiga ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galka kulankaas, waxaana uu dalbaday in dowladdu cudurdaar iyo magdhaw ka bixiso dhacdadii lagu weeraray Xarunta Xisbiga 17 December 2017.

“Xisbiga Wadajir wuxuu diyaar yahay inuu ka qeyb qaato kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020, haddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinka 2020-ka, Marka Madaxweynuhu cadeeyo in uusan hal maalin ku darsan doonin” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Xisbiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -