Dibad-baxyo saaka ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho & jidadka qaar oo xiran

Banaanbax ay dhigayaan qaar ka mid ah Gaadiidleyda BL-ka ee ka shaqeysa magaalada Muqdisho ayaa saaka ka bilowday jidadka caasimada qaarkood.

Gaadiidleyda ayaa ka cabanaya lacago dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu kordhiyey canshuurihii laga qaadi jiray taasoo ay sheegeen ineysan awood u laheyn bixinteeda.

Jidadka ay saameyn ku yeesheen dibed baxayaasha ayaa xirmay, waxaana ka mid ah Fagax, Afarta jardiino, Towfiiq iyo meelo oo ka mid ah woqooyiga Muqdisho.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda oo aad u careysan ayaa sheegay iney dhowr jeer cabasho la xiriira lacagaha lagu kordhiyey u gudbiyeen maamulka gobolka Banaadir, balse aysan jirin cid wax ka qabatay.

Maamulka gobolka Banaadir Ayaan weli ka hadlin cabashadan u dambeysay ee gaadiidleyda, waana markii labaad ee dibad bax noocan ah uu ka dhaco caasimada tan iyo markii xilka loo magacaabay duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -