Sadex gudoomiye degmo oo loogu hanjabay xil ka qaadis, haddii aysan ka laaban..

Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa mar kale dowladda federaalka ku eedeeyay inay faragelin ku hayso qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo, taasoo buu yiri ay gadaal ka riixayaan xoogag shisheeye oo uu ula jeedo ciidamada Itoobiya.

Hadalkan ayaa yimid xilli dhawaan qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Doolow, Luuq iyo Belad-xaawo ee gobolka Gedo ay shaaciyeen inay Jubaland ka goosteen oo ay haatan toos u hoos tagaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia

Maxamuud Sayid Aadan ayaa beeniyay inay jiraan ciidamo iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Gedo oo ka goostay maamulkooga, balse waxa uu sheegay in ciddii culeys lagu saaro inay Jubaland ka tagto oo ay dowladda federaalka u shaqo tagto ay arrintaasi xor u tahay, waxaana uu intaasi ku daray in mas’uulki shaqada ka taga ay isla markiiba booskiisa buuxinayaan.

Mar wax laga weydiiyay sababta uu u tagi la’yahay deegaannada gobolka Gedo ee Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow oo sheegay in ay ka goosteen maamul goboleedka Jubaland ayaa Maxamuud Sayid Aadan waxa uu sheegay in uu ka baqay in rabshado ay halkaasi ka dhacaan balse dadka ay arrimaha gobolkaasi khuseyso ay wada hadleen.

Waxa uu beeniyay in shacabka degmooyinkaasi qaar ay ku muddaharaadeen oo ay u diideen in degmooyinkaasi uu booqdo.

Xiisadda siyaasadeed ee degmooyinkaasi galbeedka gobolka Gedo ayaa ka dhashay xarig bilo ka hor magaalada Muqdisho loogu geystay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo ilaa iyo haatan u xiran dowladda federaalka, waxaana markii dambe ciidamadiisa ay ku biireen kuwa dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -