Mursal oo ka qeyb galay kulanka guddiga Joogtada ee Baarlamanka Itoobiya (Sawirro)

Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa maanta Ka qeybgalay kulanka guddiga Joogtada ah ee Baarlamanka Federalka Itoobiya kadib markii lagu casuumay Isaga iyo qaar ka mid ah wefdi Xildhibaano ah oo la socday.

Inta uu kulankan socday ayaa Guddomiyaha golaha Shacabka Soomaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Dhiggisa Baarlamanka Federaalka Itoobiya Tagesse Chaffodullo ayaa Khudbado muhiim ah ka Jeediyey Kulanka.

Labada Dhinac ayaa kulankaas isku dhaafsaday khibrado shaqada la Xiriira, iyadoo sidoo kalena ka wada hadlay Wada-shaqeynta Baaralamanada Labada Dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -