Masuul ka tirsan Maamulka K/Galbeed iyo qof kale oo caawa lagu dilay Afgooye

Labo qof oo midkood uu ahaa Nuur Faarax (Nuur Xawaad) oo ahaa Isku-duwihii Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee degmada Afgooye ayaa caawa siyaabo kala duwan lagu dilay degmadaasi.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya sida uu u dhacay dilka Marxuumka kuwaasoo qaarkood sheegayaan inuu ka dambeeyay Askari ka tirsan ciidamada amniga, halka warar kalana ay xusayaan inay fuliyeen koox hubeysan.

Sidoo kale, dabley hubeysan ayaa la sheegay in isla caawa ay degmada Afgooye gaar ahaan Xaafada Daaf Eyle ku dileen nin magaciisa lagu sheegay Cali Maxamed Dhuun, iyagoo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildbaanada Koonfur Galbeed, iyadoo shacabka Afgooye ay sheegeen in halka dilka uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -