Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Golaha Wasiiradda Puntland oo caawa ansixiyey Miisaaniyada sanadka 2020 (Sawirro)

Golaha Wasiiradda dowlad goboleedka Puntland oo caawa kulan isugu yimidayaa meel mariyay miisaaniyadda Puntland ay ku shaqeyn doonto sanadka 2020.

Shirkan oo uu Shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa lagu ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020 oo dhan $346,416,158.99.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hay’ad cusub oo qaabilsan farsamada gacanta lagu soo daray hay’addaha dowliga ah loona sameeyay qoondo gaar ah.

Miisaaniyada sanadkan waxaa si aada uga muuqda dhaqaale ay Dawlada Puntland u qoondaysay horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garowe -Bosaaso, sidoo kale waxaa kamida dhismayaasha ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo kor u qaadista Amniga

Miisaaniyadda golaha wasiiradda Puntland meel mariyeen, ayaa la horgayn doonaa barlamaanka Puntland, si ay uga doodaan una meel mariyaan si loo dhaqan geliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baaq loo diray Farmaajo & Hirshabelle oo go’aan kasoo saartay doorashada Beled-weyne

Caydiid Ali

Shan nin oo lagu dhax dilay Xabsiga Dhaxe iyo Howlgalkii oo…

Cabdi Cade

Madaxtooyada Somaliland oo War Kasoo saartay Wadahadalada Soomaaliya iyo Dadaalada uu…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---