Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo saakay loo diidan yahay in ay u dhoofaan magaalada ..

Wararka aan ka heleyno garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la xanibay diyaarad saakay lagu waday in magaalada Baladweyne u qaado wafdi ay hogaaminayaan Madaxdii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la sheegay in laga hor taagan yahay in ay ka dhoofaan garoonka, waxaana amar kasoo baxay dowlada lagu xanibay diyaaradii ay raaci ahaayeen.

Xildhibaano kamid ah wafdiga ku wajahnaa magaalada Baladweyne ayaa Warbaahinta u sheegay in laga hortaagan yahay in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde , waxa uuna sheegay in ay wali garan la’ yihiin sababta rasmiga ah ee loo xanibayo.

Warar kale aan heleyno ayaa sheegaya in sababta loo xanibay wafdigan ay tahay in wafdi kale oo dowlada uu hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre saakay kusii jeedaan magaalada Baladweyne.

Safarka labada wafdi ayaana la sheegay in laga cabsi qabo in saameyn isku yeeshaan sidaasna la doonayo in loo baajiyo ama saacado dib loo dhigo safarka Madaxdii hore oo hada mcaarad ah ay ku tagayaan magaalada Baladweyne.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

- Advertisement -