Daawo Sawirada:Gaari la jiirsiiyay Taageerayaal Ruushka u tagay Daawashada Koobka Aduunka

Taageerayaal kubada cagta ah oo dalka Ruuska u tagay daawashada Koobka Aduunka ayaa gaari lagu jiirsiiyay hareeraha wado kutaala magaalada Moscow ee caasimada Ruushka.

Darawal Taxi ayaa la sheegay in gaari jiirsiiyay dad marayay hareeraha wado kutaala magaalada Moscow, waxaana shilkaasi ku dhaawacmay ilaa 8-qof ay ku jiraan taageerayaal kasoo jeeda dalka Mexcio.

Muuqaal lagu baahiyay Warbaahinta ayaa muujinaya gaarigan oo laamiga kasoo baxay kadibna jiiraya dad marayay hareeraha wadada, waxaana dadka ku dhaawacmay jiirsiinta gaariga qaarkood lasoo sheegayaa in dhaawacyo culus qabaan.

Ninka darawalka ah ayaa isku dayay in uu goobta ka baxsado, waxaana markii dambe gacanta ku dhigay ciidamada booliiska oo hada baaraya weerarka uu ninkankan ku fuliyay gaarigiisa kuna dhaawacamy dhowr qofood.

Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin oo ka hadlay weerarkan dadka ay ku dhaawacmeen ayaa sheegay in darawalkaasi uu lumiyay kontoroolka baabuurka,waxa uuna xusay in hada socdaan baaritaano.

Dalka Ruushka waxaa hada ka socda Koobka kubada cagta ee Aduunka, waxaana dalkaasi ku sugan kumanaan kun qof oo kasoo kala jeeda wadamo kala duwan oo caalamka, kuwaa oo Ruushka  u tagay daawashada Koobka Aduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -