Soomaalida Nairobi oo dhaqaalihii ugu badnaa ugu deeqay shacabka B/weyne

Waxaa shalay magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii lagu soo gabagabeeyay dhaqaale uruurin maalmihii la soo dhaafay ka socday xaafada Islii iyo guud ahaan dalka Kenya.

Kulankan oo ay soo agaasimeen maamulka shirkadda “Malin Group of companies” ayaa waxaa door muhiim ah ka qaatay culumaa’udiin uu ka mid ahaa Shiikh Maxamed Cabdi Umul oo Guddoomiye u ahaa guddigaas isxilqaamay, waxaanna uu Shiikhu ka warbixiyey marxaladihii ay soo mareen muddadii ay ololaha gurmadkan ku jireen; Sidoo kale, waxaa ololahan ka dhexmuuqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Axmed Nuur [Tarsan].

“Dadka Soomaaliyeed waxaa adeejiya damirka wanaagsan ee uu ILLAAHEEY siiyey, waxeeyna hibo u leeyihiin is-taageerida iyo nafta isu hurida” Ayuu yiri Danjire Tarzan oo u mahadceliyey dadkii ka qeybqaatay gurmadkan.

Shukri Afrah oo kaalin firfircoon ka qaadatay ololahan, wakiilka ka aheyd haween weynihii ka qeybqaatay gurmadkaoo halkaasi ka hadashay dhinaceeda waxeey u mahadcelisay gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi iyo kuwa dibedda kala soo xiriiray, isla markaana si aad ah kaga qeybqaatay tabarucaada

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa shirkada Malin Group of Companies oo noo dhigtay gogoshaan aan iskugu nimid, culimada, ganacsatada, dhalinyarada, saxaafadda  iyo haweenkii howshaan ka qeybqaatay” ayay tiri Shukri Afrah oo halkaas ka sheegtay dhaqaalihii ay ka soo aruurisay haweenka Soomaaliyeed in ay ku wareejiyeen culimada.

C/qaadir Shiikh Muumin oo ah Guddoomiyaha Xawaalada Amaana Express ee Geska Afrika ahaana shaqsigii wakiilka u ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee Nairobi, door shariif ahna ka qaatay dhaqaale uruurinta ayaa yiri:-

“ Waxaan ku wareejinayaa culimada uu ugu horreeyo Sh. Umul iyo dadkii soo abaabulay Gurmadkan dhaqaale gaaraya ilaa $80.000 [Sideetan kun oo dollar], dhaqaalahaas oo ay soo aruuriyeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku ganacsada Nairobi gaar ahaan Town-ka, waxaana ku wareejinay dhaqaalahan Siikh Maxamed Cabdi Umul”

Shiikh Umul oo  oo kulankaas ka hadlay, wuxuu dhinaciisa sheegay in dhaqaalahan uu gaarayo dadkii loogu tala galay ugu dambayn ilaa iyo Arbacadda halkaasna, waxaa lagu magacaabay Gudi gaaraya ilaa 9 xubnood oo isugu jira qeybaha bulshada.

Ugu dambayn dadkii halkaas isugu yimid ayaa bogaadin u soo jeediyey shirkada Malin Group of companies oo iyadu laheyd agaasinka iyo taaba-gelinta barnaamijkan.

- Advertisement -