Muqdisho iyo inta badan gobolada dalka oo si weyn looga dabaaldegayo Ciidul adxaa

Shacabka magaalada Muqdisho iyo inta badan gobolada dalka ayaa saaka si weyn ugu dabaaldegaya maalinta 1-aad ee munaasabada Ciidul adxaa oo ku beegan maanta, iyadoo fantasiye balaaran oo arrintaas ku saabsan laga dareemayo caasimada.

Dadweyne iskugu jira rag, dumar iyo caruur, ayaa saaka markii uu waagu baryey u dareeray masaajida iyo goobo kale, si ay ugu soo tukadaan salaada ciidul adxaa.

Madaxda sare ee dowlada iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo xildhibaano ayaa boqolaal shacab ah kula tukaday masaajidka Isbaheysiga Islaamka oo ku dhow xarunta madaxtooyada, waxaana wadooyinka gala masaajidka saaka xiray ciidamada nabad sugida, AMISOM iyo kuwa booliska oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka si ay amaanka u sugaan, iyadoo dadka masaajidka galaya si adag loogu baarayey dhowr meelood.

Salaada ka dib ayaa waxaa wadooyinka magaalada Muqdisho isugu soo baxay dadweyne fara badan oo isugu jira rag, haween iyo caruur intooda badan ku lebisan dhar qurux badan oo noocyo kala duwan leh kuwaasoo isku booqanaya guryaha iyagoo iskugu hambalyeynaya munasabada ciida, waxaana maanta oo kale si aad ah la isugu soo dhoweeyaa macmacaano kala duwan oo loogu talo galay munaasabada ciida sida Xalwada, buskutka, doolshaha iwm.

Dadka qaar ee awooda u leh ayaa ku mashquulsanaa qalida xoolaha Udxiyada iyagoo ku sadaqeysanaya dadka masaakiinta ah iyo kuwa deriskooda si ay ugala qeyb qaataan farxada iyo dabaaldega munaasabada Ciidul adxaa, waxaana dadka guud ahaan wejiyadooda ka muuqata farxad fara badan oo ay u qabaan dabaaldega munaasabada ciidul adxaa.

Wadooyinka, suuqyada iyo xaafadaha ayaa waxaa saaka lagu arkayaa caruur aad u fara badan oo qaarkood waalidiintooda ay daadihinayaan, kuwaasoo ku lebisan lebis qurxoon, iyadoo inta badan caruurta ay wataan waxyaabaha Toyska loo yaqaano ee caruurtu ay ku ciyaaraan.

Madaxda dowlada ayaa xalay qalabka warbaahinta Qaranka hambalyo ku aadan munaasabada ciidul adxaa uga diray guud ahaan shacabka Soomaaliyed, iyagoo u rajeeyey iney sanadkan kiisa kale ku gaaraan dowladnimo nabad iyo barwaaqo.

Gobolada dalka intooda badan ayaa saaka si weyn looga ciidayaa, waxaana ka mid ah degaanada sida weyn looga ciidayo maamulada Somaliland Puntland iyo koonfurta Somalia gobolada ku yaala oo ay ku jiraan degaanada ay maamulaan xoogaga Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -