Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilkii laga xayuubiyey & mid cusub oo la magacaabay (Akhriso)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale waxaa gobolka hiiraan loogu Magacaabay guddoomiye cusub oo uu noqonayo Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow.

Inkastoo aan la ogeyn sababta keentay isbedelka lagu sameeyey Maamulka gobolka Hiiraan iyo waxyaabaha soo dedejiyey ayaa haddana waxaa maalmahaan Magaalada Baladweyne ka taagneyd isqabqabsi iyo muran la xiriira qaabka Canshuur qaadista.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -