Dayuurado gargaar u sida Magaalada Belad-weyne oo ka degay Guriceel (Sawirro)

Laba diyaaradood oo gargaar u sida magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka degay garoonka dayuuradaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Waxaa la socday wasiirka boostada iyo isgaarsiinta xukuumada Somalia Cabdi Canshuur Xasan oo ka mid ah guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha dalka.

Gargaarkan ayaa la saari doonaa gaadiidka xamuul ah si loo gaarsiiyo shacabka reer belad-weyne oo ka barakacay guryahooda.

Sidoo kale dayuurado kale oo gargaar sida ayaa isla maanta qaaday gargaar loogu talo galay dadka fatahaaduhu ku barakiciyeen degmada Berdale.

Garoonka dayuuradaha magaalada Belad-weyne ayaa xirmay ka dib markii fariisteen biyo ka dhashay roobab habeen hore ka da’ay magaaladaas.

Kumanaan qoys oo ka barakacay magaaladfa Belad-weyne ayaa dul hoganaya degaanka Ceel-jaale iyo degaano kale oo ku yaala hareeraha magaalada Belad-weyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -