Gabdho Soomaaliyeed oo Guulo waa weyn ka gaaray Doorashooyin ka dhacay Mareykanka

Labo gabdhood oo Soomaali ah ayaa guulo waa weyn ka gaaray doorashooyinka golaha deegaanka oo ka dhacay magaalooyin kuyaala dalka Mareykanka, waxa ayna gabdhahan dhigeen taariikho lagu xasuusan doono.

Naadiya Cabdirisaaq Maxamed ayaa ku guuleesatay kursiga Golaha Deegaanka ee magaalada St Louis Park ee Minnesota, waxa ayna noqotay gabadhii ugu horeesay ee Soomaali ah oo kursigaasi ku guuleesata.

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa waxaa kursiga kula tartamayay nin kale oo Mareykan ah, waxa ayna Naadiya codadkii la dhiibtay ka heshay boqolkiiba 63% halka ninkii la tartamayay isna helay codad aad uga yar.

Safiye Khaalid oo iyada ah gabar kale oo Soomaaliyeed ayaa  ku guuleysatay kursiga golaha deegaanka ee Magaalada Lewiston ee gobolka Maine, waxa ayna gabadhan ku guuleesatay codad gaaraya 69.6% codadkii la dhiibtay.

Gabdhahan Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin guusha ay ka gaareen doorashooyinka, waxa ayna balan qaadeen in ay wax qabad muuqda la imaan doonaan kana dhabeyn doonaan balan qaadyadii ay sameeyeen xiligii olalaha.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa ka dhax muuqda bulshooyinka kale ee degan dalka Mareykanka, waxaana sii badaya Soomaalida xilalka muhiimka ah ka qabanaya magaalooyinka iyo gobolada ay joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -