Ciidamo badan oo ka goostay Jubbaland oo ku biiray Ciidanka milatariga Soomaaliya 

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka amar qaadanayay maamulka Jubbaland ay soo goosteen kuna biireen ciidamo kale oo milatari ah oo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya.

Ciidamada ka goostay maamulka Jubbaland oo katirsanaa Daraawiishta ayaa la sheegay in ay ka badan yihiin 150-askari, ciidankan ayaana ku hubeesan gaadiid dagaal iyo hubka nuucyadiisa kala duwan.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan kasoo goostay Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa horey ugu sugnaa degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo waxa ayna u goosteen dhinaca degmada Luuq halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin ciidankan ka goostay kuna biiray dhinaca ciidanka dowlada federaalka ka amar qaata. waxa ayna arintan imaaneysaa xili khilaaf xoogan ka dhax jiro dowlada Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -