Dagaal culus oo caawa ka dhacay degmada Guriceel iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dagaal ayaa caawa ka dhacay Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud kaasoo sida wararku sheegayaan dhaxmaray ciidamada dawladda iyo kuwa Ahlusunna

Wararka ayaa sheegaya in rasaatu bilaabatay kadib markii gaari ka soo goostay dhanka ciidanka Ahlu sunna uu soo aaday dhinaca ciidamada dowlada ee ku sugan qeybo ka mid ah degmadaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya iney markii dambe isku dhaceen ciidamo ka tirsan ahlu suna oo daba taagnaa gaariga ka soo goostay iyo ciidamada dowlada oo meel ku dhow saldhiga Guriceel ku sugayey gaariga.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan, waxaana jirta xiisad ka taagan degmadaas oo labada ciidan u dhexeysa.

Dagaalka ayaa imaanaya xilli uu degmada Guriceel ku sugan yahay Wasiirka arrimaha Gudaha, sida ay xaqiijiyeen wariyeyaal ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Shaqaaqooyinkaan ilaa maanta ka dhacayay magaalooyinka Matabaan iyo Guriceel ayaa salka ku haya khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay dawladda iyo Maamulka Ahlusunna kaasoo la xiriira arrimaha dhismaha Maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -