Ahlu Sunna oo soo bandhigtay Heshiiskii ay la gashay Dowlada ee hadana looga baxay (Akhriso)

Kooxda Ahlu sunna Wal-jameeca ayaa soo bandhigtay nuqul kamid ah heshiiskii ay la gashay Dowlada Federaalka Soomaaliya , waxaana heshiiskan ku qoran sida loo qeybsanayo Baarlamaanka iyo qodobo kale.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa wakiilada beesha caalamka u diray dacwo ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada arimaha gudha ay ku eedeesay in ay ka baxday heshiisyo horey u wada galeen labada dhinac.

Qoraalka Ahlu Sunna u dirtay Beesha Caalamka ayaa waxaa ku jiray nuqul kamid ah heshiiska labada dhinac wada gaareen ay ku jirtay in Ahlu Sunna Baarlamaanka cusub ee Galmudug laga siiyo 35-Xildhibaan halka inta kale Odayaasha soo xulayaan.

Maalmahan ayaa waxaa jiray khilaaf mar kale soo kala dhax galay Wasaarada arimaha gudaha iyo maamulka Ahlu Sunna, waxaana khilaafka ka dhashay magcaabista guddiga doorashada oo soo magacawday Wasaarada arimaha gudaha.

Wasaarada arimaha gudaha ayaa la sheegay in ay magacawday Guddiga doorashada iyo xalinta Khilaafaadka iyada oon kala tashan kooxda Ahlu Sunna, waaana mida keentay khilaafka mar kale soo banaan baxay.

Halkan ka Akhrso Heshiiska Ahlu Sunna la gashay dowlada ee hadana looga baxay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -