Allbanaadir.com
GALMUDUGMUQDISHONEWS

Dayuurad gaar ah oo ciidamo ka tirsan Danab ka dejisay Magaalada Dhuusamareeb

Magaaladda Dhuusamareeb waxaa maanta ka degtay dayuurad gaar ah oo Muqdisho ka qaaday 60 askari oo ka tirsan ciidanka Xoogga gaar ahaan kuwa Gor-Gor ee ka tirsan Ciidanka Danab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada la geeyay Dhuusamareeb la dajiyay xerada qeybta 21-aad, halka kuwii horay ugu sugnaa laga saaray.

Ciidankan laga saaray xerada ee lagu arkay Bartamaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa wata Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cabdicasiis Cabdulaahi Qooje iyo saraakiil ka tirsan guutada 15 aad ee qaybta 21aad kuwaasoo lagu aasaasay Ciidankii Ahlu sunna ku wareejisay Dowlada.

Sida warar xog ogaal ahi sheegayan ciidanka Dowlada Soomaaliya gaysay Dhuusamareeb waxay hordhac u yihiin Wafdi uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Sabtiga ku wajahan Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Milateriga Sudan oo soo rogay 3 bilood oo xaalad deg deg ah (Sababta)

Caydiid Ali

Digniin laga bixiyey qorshe la isaga horkeenayo beelaha Hawiye & Digil iyo Mirifle

Caydiid Ali

Israel & Xamaas oo xabad joojin qarka u saaran & Netanyahu oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---