Weerar lagu qaaday Maraakiib ay leedahay Dowlada Imaaraadka iyo Cabsi soo korortay

Maraakiib ganacsi oo ay leedahay dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la weeraray xili ay marayeen meel u dhaw biyo xadeedka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana weerarkan cabsi badan ku abuuray shaqaalihii maraakiibta la socday.

War kasoo baxay dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in afar markab oo nuuca ganacsiga ah lagu weeraray Gacanka Cumaan, mana jiraan khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo weerarka ka dhashay sida dowladu sheegtay.

Waxaa xiisad cusub iyo cabsi ay kasoo korortay marinka Gacanka Cumaan ,waxaana maalmihii lasoo dhaafay aagaasi Mareykanka geenayay maraakiib dagaal iyo ciidamo kadib hanjabaad kasoo yeertay dowlada Iiraan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa weerarkan ku tilmaamay halis soo korortay, waxa ayna beesha caalamka ugu baaqday in laga hortago dhacdooyinka nuucaas oo kale ah oo Mustaqblka dhibaato xoogan keeni kara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -