Allbanaadir.com
NEWS

Mashiinka Dowladdu Ku Dhaqaaqdo oo shir uga socdo Muqdisho (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo maanta ka qayb galay shirka agaasimayaasha guud oo maalintiisii sedaxaad galay ayaa sheegay in agaasimayaasha guud ay yihiin keydka, Xasuusta, laf-dhabarta iyo Mashiinka dowladu ay ku dhaqaaqeyso.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo khudbad ka jeediyay shirka oo maanta ay ku soo biireen agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowlad gobaleedyada xubnaha ka ahd dowladda federaalka, ayaa agaasimayaasha kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan shirkaan oo ay sameeyaan wadatashi, xog is waydaarsi iyo aqoon is-waydaarsi maadaama ay yihiin waaya arag iyo muraayadii laga daawan halaa nidaamka iyo kala dameynta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku celiyay in lagama maarmaan ay tahay in agaasimayaasha guud oo bud-dhigg u ah hagaha nidaamka dowladnimo ee casriga ah, ay iska kaashadaan ka faa’iideysiga fursadaha dowladnimo ee jira iyo sida xal looga gaari karo horumarinta qarankana.

Shirka agaasimayaasha guud oo lagu soo bandhigayo waxqabadka dowaldda ayaa Muqdisho ka furmay October 22, 2019 waxaana qorshuhu yahy in lasoo xiro October 26, 2019.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo shidaal u diiday dayuurad ay leedahay Israel oo deg deg ugu soo degtay

Caydiid Ali

Dil dad badan ka argagaxeen oo ka dhacay Guriceel iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Guddoomiyay Shir arrin muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---