Gabar Muslim ah oo dhigtay Rikoodh Caalami ah oo aan hore loo dhigin (Daawo Sawirro)

Gabar Muslim ah oo u dhalatay dalka Indonesia laguna magacaabo Aries Susanti Rahayu ayaa dhigtay rikoor caalami ah oo tartanka darbi fuulka ee loo yaqaan IFSC Climbing World Cup.

Aries Susanti Rahayu ayaa isbuucan jabisay rikoor ay horey u dhigtay gabar u dhalatay dalka Shiinaha oo mar kale dooneysay in ay sii xajisato rikoorkeeda balse waxaa ku hor jabisay gabadha reer Indonesia.

Gabadhan Muslimka ah oo loogu magac daray Spiderwomen ayaa jabisay rikoorka 7.101 ibiriqsi ee ay hore u dhigtay gabadhii la tartameysay ee reer China Song Yiling, iyadoo darbi 15 mitiri ah ku kortay 6.995 ilbiqirsi waa in ka yar 7 ilbiqirsi.

Aries Susanti oo 24-sano jir ah ayaa xiliga ay tartankan ka qeyb galeysay ka dhaawacneyd faraha gacmaheeda, hasa ahaatee taasi kama hor istaagin in ay hamigeeda gaarto ayna dhigto rikoor caalami ah.

Baraha bulshada iyo Warbaahinta ayaa aad looga daawaday wacdaraha ay dhigtay gabadhan Reer Indonesia, waxaana muuqaalka tartanka ay ka qeyb gashay la daawaday malaayiin jeer.

Tartanka Darbi fuulka ayaa noqotay ciyaar caalami ah oo lagu tartamo, waxaana markii ugu horeesay tartankan lagu soo dari doonaa ciyaaraha Olimbikada aduunka ee 2020 lagu qabanayo magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Indonesia’s gold medallist Susanti Rahayu Aries (C) celebrates during the medal ceremony of the women’s speed sport climbing at the 2018 Asian Games in Palembang on August 23, 2018. (Photo by ADEK BERRY / AFP) (Photo credit should read ADEK BERRY/AFP/Getty Images)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -