Haweeney Soomaali ah oo Maxkamad loo soo tagaay dilka ilmo yar oo ay dhashay

Haweeney Soomaali ah oo 29 sano jir ah ayaa waxaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka waxaa loo heystaa inay dishay ilmo yar ay dhashay oo 3 bilood jir ahaa.

Gabadhan Soomaalida ah ayaa Jarmalka la keenay iyadoo yar oo waalidkeeda la socota, dugsi sare ayay ka baxday, Jaamacadda ma aysan dhammeysan, balse waxay xirfad ahaan u baratay shahaadana ka qaadatay inay noqoto weriye dhaqaalaha ka warama.

Waxaa la sheegay in tan iyo sanadkii 2004 madaxa looga jiray haweeneydan sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskeeda.

“Sanadkii 2018 ayay guursatay, kadibna madaxa ayaa laga galay, waxaana loo  sheegay inay jiniyo qabto oo laga rabo inay Quraanka Kariimka dhageysato, sidaas ayay yeelli jirtay, maalin iyadoo quraanka Kariimka shidatay ayaa waxaa ka soo dhex galay oohinta gabadheeda yar, kadibna waxay iska dhaadhicisay in gabadha yar ay sheydaan tahay, kadibna mindi intay qaadatay ayay gabadheedii yareyd oo 3 bilood jirta ku gowracday” ayuu yiri mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka jarmalka oo kiiska haweeneydan xog ogaal u ah.

Haweeneydan oo aan magaceeda la sheegin ayaa falkaas markii ay geysatay waxaa la dhigay Isbitaalka dadka madaxa ka xanuunsan lagu daweeyo, balse maanta ayaa Maxkamad la soo saaray, iyadoo ninkeeda uu Maxkamada u sheegay in gabadha madaxa looga jiro oo aysan ogeyn waxa ay sameysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -