Masuul u xiran dowlada Somalia oo loogu magac daray garoon dayuuradeed (Sawirro)

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa garoonka dayuuradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo ugu magac daray Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo magaalada Muqdisho ugu xiran dowlada Somalia.

Guddoomiyaasha degmooyinka Doolow, Beled-Xaawo iyo Luuq ee gobolka Gedo ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu shaacinayey arintan oo ka dhacday garoonka Doolow.

Dowlada Somalia ayaa ku eedeysay Cabdirashiid Janan in loo heysto dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay xabsi ku yaalla degmada Doolow iyadoo dhowaana la horkeenay Maxkamada gobolka Banaadir.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo dhoweysey xariga Janan, iyadoo sheegtay inuu ka dambeeyey dilal xabsiga Doolow loogu geystay dad maxaabiis ah oo aan maxkamad la soo taagin.

Garoomada dayuuradaha iyo kuwa ciyaaraha ee ku yaala gobolada dalka ayaa waxaa intooda badan loogu magac daray masuuliyiin geeriyootay oo horey u soo qabtay xilal, balse Cabdirashiid Janan ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay ee isagoo nool loogu magac daro garoon dayuuradeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -