(Sawirro) Meydka taliyihii ciidamada Gorgor oo afar cisho ka dib lagu aasay Muqdisho

Allaha unaxariisto waxaa Isbitaalka Ciidanka xooga dalka Soomaaliyed aas Qaran loogu sameeyay Marxuum Gaashaanle Maxamed Suleymaan Abuukar (Maxaadey) oo 18-kii bishan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku fureen gaarigiisa ciidamo ka tirsan ilaalada hotelka Ex-Naasa hablood 2 ka dib markii ay shakiyeen sida ay sheegeen.

Eheladiisa oo maalmahan diidanaa in la aaso ayaa ugu dambeyn aqbalay ka dib markii laga qanciyey arrimo ay ka tirsanayeen dilka taliyaha oo ka mid ahaa kuwo ugu firfircoon ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka amniga XFS mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), Raisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi, taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo xoogga dalka, saraakiil ka tirsan ciidamada Turkiga, Xildhibaano katirsan labada gole ee dowlada Soomaaliyed, siyaasiin culama-udiin, odeyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay aaska marxuum Maxamaadey oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliyed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -