Raisul Wasaare Abiy Ahmed oo ka digay dagaal dhexmara dowladaha Masar & Itoobiya

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dagaal lala galo Masar uusan xal noqoneyn oo loo baahan yahay in wax walba wadahadal lagu dhameeyo, balse haddii ay suurageli weydo dalkiisu uu hayo malaayiin dhalinyara ah oo dagaal geli karta.

Hadalkan ayuu maanta Abiy ka sheegay baarlamaanka dalkiisa iyadoo ay mudanayaasha baarlamaanka ay su’aalo ka weydiiyeen arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka Itoobiya.

Dr. Abiy Axmed oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey xaaladda ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya ee la xiriirta muranka ka dhashay biya xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile wuxuu sheegay in shacabka Itoobiya aysan dooneyn in waxyeello ay u geystaan shacabka Masar in ay wax taraan mooyee.

“Annaga iyo Masar arrimo siyaasadeed oo aan ka wada hadleyno haba yaraatee ma jiraan. Madaxweyne Sisi dhawaan ayaan wada hadalnay maalmaha so socda barri ama saad dambe inaan kulanno ayaan rajeeynayaa inaan ka wadahadalno wixii ay dhibsadeen.” ayuu yiri Abiy Ahmed.

“Dagaalku xal ma aha, dagaalka Masar-na ma anfacayo, Suudaan-na ma anfacayo, innagana nama anfacayo, balse haddii ay arrintu tagto jiritaanka dalka iyo calanka, xataa aniga ayaa galayo dagaalka, waxaana idiin sheegayaa ineysan jirin cid Itoobiya ka hor istaagi karto iney biya xireen dhisato,” ayuu yiri Ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.comĀ 

- Advertisement -