Taliye sare oo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo caawa lagu dilay Muqdisho

Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu dilay Taliyihii Ururka Gorgor ee Ciidanka kumaandooska Soomaaliya Maxamed Abuukar Saleebaan  (Maxaadeey) iyo qaar kamid ah ciidamo ilaalo ah oo la socday.

Sida aan wararka ku helnay taliyaha oo watay gaari ayaa waxaa rasaas xoogan ku furay ciidamo kale oo ku sugnaa Ex Hotelka Naasa Hablood 2 oo ku dhaw taalada Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho.

Rasaasta lagu furay gaariga ayaa la sheegay in ay sababta geerida taliyaha iyo labo askari oo ilaalo u ahaa, waxaana goobta lagu dilay taliyaha gaaray ciidamo booliis ah kuwaa oo meydadka goobta ka qaaday howlgalna ka sameeyay .

Taliyaha caawa lagu dilay magaalada Muqdisho  ayaa hoggaaminayay howlgalkii Ciidamada kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Turkigu tababaray dhowaan ku qabsadeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dowlada ayaan wali ka hadlin dilka caawa sargaalkan loogu geestay magaalada Muqdisho, waxaana wararka aan helnay sheegayaan saraakiil iyo ciidamo tagay goobta dilku ka dhacay in ay xireen dad la tuhmayo in dilka ka dambeeyeen.

Waxii warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

 

- Advertisement -