Dhaqtar Hindi ah oo ku xeel dheer Cudurada Haweenka oo imaanaya Kalkaal Hospital

Isbitaalka Takhasusiga ee Kalkaal ee magaalada Muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed ku war galinaya in Isbitaal uu imaanayo kana howl galayo Dhaqtar u dhashay dalka Hindiya oo ku takhasusay cudurada Haweenka

Dhaqtarka oo ka howlgala Isbitaalo kuyaala Hindiya ayaa  Muqdisho u imaanaya sidii uu haweenka Soomaaliyeed uga daweyn lahaa dhalmo la’aanta, qaliinada burooyinka minka gala ,furista tubooyinka ugxaanta qaada iyo cuduro kale.

Dr Ashouk Kamar ayaa imaanaya kana howlgalaya Isbitaalka Kalkaal 24-ka bishan October waxa uuna joogi doonaa ilaa 29-ka bishan, waxaana intaas uu fulin doonaa daaweyn iyo qaliinada cudurada haweenka.

 

Cudurada oo Dhaqtarkan Daaweyn doono waxaa kamid ah

1-La Tacaasilada Dhalmo la’aanta Dumar

2-Qaliinka burooyinka minka gala

3-Furista tubooyinka ugxaanta qaada

4-Qaliinada Buro biyoodka

5-La tacaalida Dhiciska iyo waxyaabaha keena

Dhamaan qaliinada uu sameenayo Isbitaalka Kalkaal ayaa loo adeegsan doonaa hab lesar oo casri ah, waxaana daaweynta cudurdaan kor kusoo sheegnay dhaqtarka Isbitaalka ka bilaabayaa 24-ka bishan iyadoona soconayo ilaa 29-ka bishan .

Waxii Faah faahin ah kala xiriir

Tell:0617633661 ama 0617633662

Sidoo kale kala xiriirka Numberka gaaban ee 4040.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -