Banaan bax looga soo horjeeday Caleemo saarka Axmed Madoobe iyo Kenya oo la dhigay

Wararka ka imaanya magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta halkaasi ka dhacay banaan bax balaaran oo looga soo horjeeday caleemo saarkii Madaxweynaha Jubbaland.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa si weyn uga soo horjeeday xaflada lagu caleemo saarayay Madaxweynaha doorashadiisa dowlada diiday ee Jubbaland, waxa ay sidoo kale dadkan kasoo horjeedeen Wafdiga dowlada Kenya u dirtay xaflada caleemo saarka.

Qaar kamid ah dadkii banaan baxa ka hadlay ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan Xaflada lagu caleemo saaray Axmed Madoobe, waxa ayna sheegeen in aysan u aqoonsaneyn Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa ay sidoo kale banaan baxayaasha hadlay qaarkood ku eedeeyeen dowlada Kenya in ay kusoo xad gudubtay qaranimada Soomaaliya sidoo kale diyaaradaha Kenya dhibaato ku hayaan shacabka gobolka Gedo.

Banaan baxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee looga soo horjeedo xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ee la dhigay, waxaana xusid mudan magaalada banaan baxa ka dhacay in ay kamid tahay magaalooyinka uu ka arimiyo maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -