(Daawo Sawirro) Dab ka kacay Keymo ku yaalla Buuraleyda gobolka Sanaag

Dab xooggan oo shalay ka kacay degaanka Gaacidh oo ka mid ah buuraleyda gobolka Sanaag ayaa ilaa maanta socda, waxaana gebi ahaan gubanaya keymaha deegaanka iyo dhirtii ku taallay.

Deegaankan oo ku yaalla waqooyiga gobolka Sanaag waxaa ka socda gurmad aan xoog badneyd oo lagula tacaalayo deminta dabka.

Ma jiro khasaare nafeed oo ilaa iyo hadda la soo wariyay, balse sawirro laga soo qaaday deegaanka waxaa ka muuqday keymo gubanaya iyo saameynta dabka oo sii ballaaraneysa.

Masuuliyiin ka socday Wasaarradaha degaanka iyo isbaddelka cimilada Somaliland oo tagay goobta ayaa la kulmay dadka deegaanka, inkastoo aanay jirin talaabo ilaa iminka uu qaaday maamulka.

Lama oga waxa sababay dabkan hase ahaatee cimilada goboladan ayaa kululaata sanad walba marka la gaaro xiligan xagaaga oo  heerkul uu gaaro illaa 38-40 °C

 

- Advertisement -