Ciidamo kasoo goostay maamulka Somaliland oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Maamulka Puntland ayaa maanta soo bandhigay ciidamo badan oo ay sheegeen in ay kasoo goosteen maamulka Somaliland, ciidankan lasoo bandhigay ayaana ka howlgalayay deegaano katirsan gobolka Sanaag.

Ciidamadan kasoo goostay maamulka Somaliland oo katirsanaa guutada 93-aad ayaa fadhigoodu ahaa Gobolka Sanaag gaar ahaan Deegaanka Ceel-buh, waxaana ciidankan hogaaminayay Gaashaanle Mustafe Siciid Toor.

Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Puntland ayaa ciidamadan iyo hubkooda maanta usoo bandhigay Warbaahinta, waxa ayna sheegeen in ciidankan kusoo biireen dhinaca maamulkooda.

Maamulka Somaliland ayaan wali ka hadlin ciidankan la sheegay in dhankooda kasoo goosteen kuna soo biireen dhinaca Puntland, waxaana labada maamul marar badan soo bandhigeen ciidamo ay sheegeen in dhankooda usoo goosteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -