Somaliland oo go’aan ka qaadatay ka qeyb galka caleemo saarka Axmed Madoobe

Garyaqaanka guud ee Somaliland C/samad Cumar Maal oo la hadlay warbaahinta ayaa digniin ka soo saaray ka qeyb galka caleemaha saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo lagu wado inuu ka dhaco Magaalada Kismaayo.

C/samad ayaa sheegay in sharciga u yaalla Somaliland uu qabo in qof walba oo siyaasi, Aqoonyahan iyo cid kasta aysan ka qeyb-geli karin arrimaha siyaasada ee u gaarka ah Soomaaliya.

Sidoo kale, Garyaqaanka Somaliland ayaa waxaa xusay in cida kaliya ee ka qeyb-gali kara Xaflad ama arrimaha siyaasada Somalia ay tahay xukuumadda Somaliland, taasina ay horay u saxiixeen labada Aqal ee Baarlamanka Somaliland.

Garyaqaanka guud ee Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in cidii ka qeyb gasha caleema saarka Axmed Madoobe ay talaabo cad ah ka qaadi doonaan, isla markaana sharciga ay horgeyn doonaan.

Go’aankan ay qaadatay Somaliland ayaa yimid xili maalmihii la soo dhaafay uu jiray muran ka dhashay Xildhibaano ka tirsan Somaliland ay sheegeen iney ka qeyb-galayaan xaflada caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -