Wasiir Dubbe oo u digay danjireyaal shisheeye oo faragelin ku haya arrimaha Somalia

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokar Dubbe ayaa ugu baaqay Danjireyaasha dalalka shisheeye u fadhiya dalkeenna ilaalinta madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Dubbe ayaa tilmaamay in qoraallo ay soo saareen Danjireyaasha shisheeye qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda iyo curfiga diblumaasiyadeed, isagoo xaqiijiyey in dhaqanka noocaas ah aysan aqbalayn shacabka iyo dowladda Soomaliyeed.

“Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal leh madax-bannaani buuxda, arrimaheeda guddahana waa lama taabtaan. Waxaa jira Danjireyaal u soo dira Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed farriimo aan waafaqsanayn shuruucda caalammiga ah, kana soo horjeedda ixtiraamka madax bannaanida dalalka ku xadgudubka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan laga gudbi karin.” ayuu yiri Wasiirka

Dhanka kale, Wasiir Dubbe ayaa ugu baaqay Madaxda dowlad Goboleedyada ee aan ka soo qeyb gelin Shirka muddadii saddexda cisho ahayd ee aad la soo dhaafay inay ku soo biiraan, ayna qaataan doorka iyo masuuliyadda qaran ee ka saaran sii ambaqaadidda hannaanka dowladnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -