Saalax Khashoggi oo difaacay Boqortooyada Sacuudiga kana hadlay dilka Aabihiis

Wiil uu dhalay Jamal Khashoggi oo ah Wariyihii sida arxan darada ahaa loogu dilay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa difaacay Boqortooyada Sacuudiga oo lagu tuhmayo in ay maleegtay dilka aabihiis.

Saalax Khashoggi ayaa sheegay in kalsooni badan ku qabo hanaanka cadaalada Boqortooyada Sacuudiga, waxa uuna dhaleeceeyay mucaaradka iyo dadka kale ee dilka aabihiis ku eedeenaya Boqortooyada Sacuudiga.

“Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa hanaanka cadaaladda Sacuudiga, sanad ayaa kasoo wareegtay geeridii aabahay aan jeclaa. Muddadan, mucaaradka iyo cadowga Bariga iyo Galbeedka waxay isku dayeen inay ka faa’iideystaan kiiska…si ay u waxyeeleeyaan dalkeyga iyo hoggaanka” ayuu ku yiri Saalax Khashoggi.

Waxa uu sheegay Wiilka Jamal Khashoggi in uu ka rajeenayo Boqortooyada Sacuudiga in cadaalada marsiiso dadka lagu helay in ay ka dambeeyeen dilka aabihiis, waxa uuna u digay dad uu sheegay in kiiskan ka faa’iideesanayaan.

“ Aad ayaan ugu kalsoonahay hannaanka cadaaladda boqortooyada iyo awoodda ay uleedahay inay cadaaladda mariso kuwii fuliyey dambigan aadka u xun ,ma aqbali doono in xusuustiisa iyo kiiska laga faa’iideysto” ayuu yiri Saalax .

Saalax Khashoggi ayaa beeniyay in Boqortooyada Sacuudiga lacag iyo guryo qaali ah siisay isaga iyo caruurta la dhashay si aysan uga hadlin xaqiiqda dilka aabahood oo lagu tuhmayo in uu maleegay Amiirka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -