Sacuudiga oo soo diiday in ay aqoonsato Danjiraha Somalia u magacawday dalkaasi (Xog)

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudiga soo diiay in warqadaha aqoonsiga Danjiranimo ka gudoonto Safiirka dowlada Soomaaliya u magacawday dalkaasi Amp C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 29-kii bishii May ee sanadkan u magacaabay C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir in uu noqdo Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhinaya Sacuudiga kadib markii Safiirkii hore Daahir Geelle Wasiir laga dhigay.

Dowlada Sacuudiga ayaan wali shaacin diidmada safiirka Soomaaliya dalkaasi u magacawday iyo sababta keentay, waxaana Sacuudiga dhagaha ka fureesatay codsiyo badan oo ku aadan in Safiirka warqadaha aqoonsiga danjiranimo laga gudoomo.

Sharciga Geneva ee Diblomaasiyadu ayaa dhigaya in mudo Saddex bil Safiirkii aan laga gudoomin warqadihiisa aqoonsiga ay lamid tahay in la iska diiday, waana mida hada muujineysa in Sacuudiga diiday in safiirkan ay aqbasho.

Sida aan xogta ku helnay 15-kii bishii June ee sanadkan, ayaa si rasmi ah loo gudbiyay warqadihiisa Safiirnimo Danjire Ashkir, waxeyna mudada 90-ka cisho ku ekeyd 15-kii bishan September.

Ilo diblumaasiyadeed oo magacooda qariyay ayaa laga soo xigtay in diidmada Sacuudiga ay salka ku heyso in C/xakiin Xasan Ashkir laga urinayo in xiriir la leeyahay dalka Qatar sidoo kale aad isugu dhaw yihiin Fahad Yaasiin Agaasimaha Nabad sugida Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa sidoo kale la sheegay in ay diiday in ay aqbasho xubno loo magacaabay Qunsuliyada Soomaaliya ee Jiddah kuwaa oo lagu adkeeyay in la siiyo dal ku galka Sacuudiga iyo aqbalaada shaqadooda.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku qasbanaan doonta in Danjire kale u magacawdo Sacuudiga hadiiba laga soo diiday danjirihii hore ee dalkaasi ugu magacawday, mana ahan markii ugu horeesay oo lasoo diido Danjire ay dowlada magacawday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -