Qatar oo loo soo bandhigay Fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo booqasho rasmi ah toddobaadkan u tagey dalka Qatar ayaa ugu yeeray maal-gashadayaasha  Qatar inay sahmiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, kaddib kullan uu Dooxa kulla qaatay guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Qatar.

Kullanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo sida ay xukuumadda iyo maal-gashadayaasha Qatar ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen jawiga maalgashi ee Soomaaliya,iyadoo kullanka uu goobjoog u ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar,Cabdirisaaq Faarax Cali.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Rugta Ganacsiga Qatar,Maxamed bin Axmed bin Towar Al Kuwari ayaa sheegay in shirakaddaha gaarka loo leeyahay ee dalka Qatar ay daneynayaan in la xoojiyo iskaashiga labada dal iyo in la aasaaso iskaashi shirkaddo la wada leeyahay oo dan u ah labada dhinac.

Waxaa kalo uu hoosta ka xariigey in shirkaddaha gaarka loo leeyahay ay Soomaaliya ka fulin doonaan mashaariic ballaaraan kuwaasi oo dib loogu dhisayo dalka, isagoo inta ku daray inay qaadan doonaan shaqaale Soomaali ah ,kuwaasi oo fursaddo shaqo ka heli doona dalka Qatar.

Dhankiisa, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiiq Warfaa ayaa boggaadiyay iskaashiga dhow ee ay Qatar la leedahay dowladda Soomaaliya,wuxuuna caddeeyay in ujeeddada socdaalkiisa Qatar ay la xiriirtay sidii loo xoojin lahaa xiriirka,soo bandhigida fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo sidii iskaashi dhow uga yaalen lahaayeen labada dal kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha iyo kobcinta xirfadahooda.

Warfaa, ayaa soo bandhigay farsadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga, wuxuuna markaa ka dalbaday maal-gashadayaasha Qatar inay Soomaaliya maalgashi shaqooyin u abuuraya dhallinyarada ka hirgeliyaan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, oo dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho,isagoo muddadii uu booqashada rasmiga ah ku joogay dalka Qatar la kulmay dhiggiisa dalkaas iyo Ra’iisul wasaaraha Qatar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -