Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku xayiran magaalada Kismaayo

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka labada aqal ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ku xayiran magaalada Kismaayo ,kadib markii ay hakadeen diyaaridihii duulimaadka ku tagi jiray ugana imaan jiray Kismaayo.

Diyaaradihii magaalada Kismaayo aadi jiray iyo kuwii ku imaan jiray ayaa wali hakad ku jira ,xili dowlada federaalka Soomaaliya sheegtay in aysan jirin wax xayiraad ah oo lagu soo rogay diyaaradaha taga Kismaayo kana yimaada.

Xildhibaanada ku xayiran magaalada Kismaayo oo u badan kuwa xiriir dhaw la leh Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in saameyn ku yeelatay xayiraada saaran diyaaradaha Kismaayo taga.

Waxa ay sheegeen Xildhibaanadan in maalmo ku xayiran yihiin Kismaayo ayna doonayaan in magaalada Muqdisho yimaadaan halkaas oo la filayo in dhawaan ka furmaan kalfadhiyada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka.

Xayiraada duulimaadka ee saaran magaalada Kismaayo ayaa saameyn xoogan ku yeelatay dadka kunool xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, lamana oga xiliga xayiraada dhinaca duulimaadka laga qaadi doono magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -