(Daawo Sawirro) Cali Guudlaawe oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho

Soo dhoweyn sareysa  ayaa maanta Magaalada Muqdisho loogu sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu horkacayo oo socdaal shaqo ku soo gaaray caasimada dalka.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan cade uga hortagay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Raisul Wasaarahii Hore ee Somalia Cali Maxamed Geeddi Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish, madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble, Xubno ka tirsan labada gole ee Dowlada Federaalka Agaasimayaal iyo Boqolaal dadweyne ah.

Cali Guudlaawe ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shir looga hadlo doorashooyinka iyo xal u helida tabashooyinka laga qabo guddiga doorashooyinka.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa mar uu warbaahinta la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in kulamo uu la qaadan doono madaxda DF qeybaha kala duwan ee bulashada, isagoo si kooban u faahfaahiyay ujeedka uu u yimid magaalada Muqdisho.

Cali Guudlaawe ayaa ku fashilmay inuu booqasho ku tago magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan oo uu muddo dheer ku hamninayey ka dib markii safarkiisa ay ka soo horjeesteen shacab iyo maleeshiyo hubeysan oo diidan qaabka loo dhisay maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -