Agaasimaha Guud ee Nabad Sugida iyo Sirdoonka Puntland oo la magacaabay

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Puntlnad Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu magacaabay Agaasimaha cusub Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka maamulka Puntland.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ayaa loo magacaabay Mukhtaar Maxamed Xasan , waxaana agaasimahan xilka kala wareegi doonaa agaasimihii hore ee Nabad sugida .

            Halkan ka Akhriso Wareegtada magacaabista

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Datuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -