Allbanaadir.com
NEWS

Amiirka Al Shabaab oo ka hadlay arimo Xasaasi ah oo ay kamid tahay Muranka Badda

Amiirka guud ee Al Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda oo soo duubay cod 20-daqiiqo la dhageesan karo ayaa ka hadlay arimo badan oo xasaasi ah oo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya .

Abuu Cubeyda ayaa ka hadlay xaalada Soomaaliya gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan dowlada federaalka, waxa uuna sheegay in uu sii xoogeestay dagaalka ay kula jiraan dowlada uuna dirqi kaga bad baaday Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia.

“Xukuumadii Afaraad ayaa qarka u saaran inay burburto, Ergaygii lixaad ee waxa loogu yeero QM ayaa si dirqi ah ku bad-baaday, taageero kasta oo ay ka helaan Sshisheeyaha, tababar kastoo la siiyo iyo taakulo walboo loo ballan qaado, hadana wax u hirgalay ma jiraan, dadaalkoodiina wuxuu noqday tacab khasaaray, himilooyinkoodiina waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay” ayuu yiri Abuu Cubeyda.

Amiirka  Al-Shabaab,  ayaa sheegay in weeraradii u dambeeyey ee lagu qaaday Kismaayo iyo xarunta gobolka Banaadir ay soo bandhigeen taagdarida dowlada sida uu tilmaamay, isagoona bogaadiyey raggii soo abaabulay weeraradaas iyo kuwii fuliyey.

Sheekh Abuu Cubeyda ayaa sheegay in dalka uu leeyahay macaadin iyo kheyraad fara badan kuwaas oo bad iyo barri intaba ka buuxa, wuxa uuna xusay inuu dalku u baahan yahay dad gacanta ku dhiga oo hantidooda difaacda maadama uu sheegay in cadaw u soo hanqal taagayaan kheyraadka ceegaga dhulkan.

Waxa sidoo kale Amiirka Al Shabaab ayaa ka hadlay muranka xagga badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhankooda aysan aqbali doonin wax waliba oo ka soo baxa maxkamada caalamiga ah, lana dagaalami doonaan Kenya ilaa inta laga soo dhicinayo dhulka ay Soomaaliya ka heesato.

“Waxaan Umadeena muslimka ah ku wargelineynaa in Mujaahidiintu ka soo horjeedaan gaashaankana u daruurayaan go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamada caalamiga ah ee ku saabsan loolanka badda Soomaaliya ka taagan.Waxaan caalamka u sheegeynaa in badaheenu ahayn kuwa gorgortan aan ka galeyno, martina ugama noqoneyno dowlado Shisheeye, waxaa laga rabaa Umadeena muslimka ah inay ku baraarugto in Kenya ay soo liqday dhul baaxad weyn, ka hor inta aysan badda u hanqal taagin, Itoobiyana waa tan hadda loo saxiixay Dakado dhowr ah, dalkuna wuxuu ku socdaa in la wada xaraasho haddii aydaan ka hortagin”. Ayuu yiri Abuu Cubeyda.

Amkiirka Al Shabaab ayaa sidoo kale ugu baaqay dagaalyahanada kooxdiisa in ay adkeesi sameeyaan siina xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan dowlada Soomaaliya iyo ciidamada kale ee dowlada garab siiya.

 

Related posts

Somaliland oo ka soo horjeesatay Isbaheysi looga dhawaaqay dalka Sacuudiga (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Frank oo shaaciyey in dalkiisu iska xoreeyey COVID-19

Caydiid Ali

Xildhibaanada Golaha shacabka oo diiday ajendihii la horkeenay & buuq ka dhashay

Caydiid Ali