Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo shaacisay Sababta xayiraada loo saaray diyaaradaha taga Kismaayo

Dowlada Soomaaliya ayaa amartay diyaaradaha tagaya iyo kuwa ka imaanaya magaalada Kismaayo in ay marka hore soo maraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si loo hubiyo.

Amarka dowlada ayaana saameyn badan ku yeeshay maamulka Jubbaland iyo sidoo kale duulimaadyada Kismaayo taga iyo kuwa ka yimaada, waxa ayna Jubbaland marar badan codsatay in  xayiraada laga qaado.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed Maxamed Salaad Oomaar ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin cid lagu aamini karo hawada magaalada Kismaayo sidaana usoo saareen amarka diyaaradaha in ay soo maraan Muqdisho.

Waxa uu sheegay Wasiirka in hawada Kismaayo aysan xirneyn balse dowlada hakisay diyaaradihii tooska u tagi jiray iyo kuwii tooska uga imaan jiray,  waxa uuna xusay xayiraada saran garoonka Kismaayo inay tahay mid lagu ilaalinayo danta guud ee dalka.

Wasiir Oomaar ayaa beeniyay in qorshaha xayiraada dowlada diyaaradaha Kismaayo ka imaanaya aysan salka ku heyn in ay xiraan masuuliyiinta maamulka Jubbaland, waxa uuna cadeeyay Wasiirka in qof aan dambi galin lagu qabsan doonin garoonka.

Dowlada xayiraada ay saartay diyaaradaha Kismaayo taga iyo kuwa ka yimaada ayaa horseeday in magaalada Muqdisho lagu xiro Wasiirkii Amniga Jubbaland kadib markii diyaarad uu saarnaa lagala dagay garoonka Aadan Cadde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Muuse Biixi oo u dhoofay Sacuudiga & Boqor Salman oo dayuurad gaar ah u soo diray

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Amaro culus kusoo rogay Bangiyada iyo Xawaaladaha Puntland kuyaala

Cabdi Cade

Soomaaliya oo la sheegay inay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag (Sawirro)

Caydiid Ali