(Sawirro) Muuse Biixi oo u dhoofay Sacuudiga & Boqor Salman oo dayuurad gaar ah u soo diray

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta dalka ka dhoofay, waxayna u ambabaxeen waddanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaasoo ay ku soo gudan doonaan waajibaadka Xajka.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay boqorka dalka Sucuudi Arabiya, Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis, waxana ku dhoofeen Baasaboorka Somaliland, wuxuuna Muuse Bixi ka mid noqday madax kala duwan oo sanad walba boqorka sacuudigu ku casuumo Xajka.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa ka qaadday diyaarad khaas ah oo ay Sacuudigu u soo direen.

Gudashada waajibaadka xajka kaddib, waxa weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa gudo geli doonaan kulammo ay la yeelanayaan masuuliyiinta dalka Sucuudiga

Xubnaha weftiga ah ee ku wehelinaya safarka madaxweynaha, ayaa waxa kamid ah wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Hawlaha guud, Guryeynta iyo Dhulka, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo la-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -