Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Qarax xoogan ayaa goor abaara 8:00 fiidnimo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Al mukarama qeybo ka mid ah.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska xaaji Baasto oo ku dhow gurigii hore ee shaqaalaha.

Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur ayaa jira sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya goobta uu qaraxaas ka dhacay oo ay xireen ciidamada amaanka.

Waxaa qaraxa ka dib la maqlay rasaas, iyadoo Gaadiidka gurmadka deg deg ah ay halkaas gaareen, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan

La soco wixii soo kordha..  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xagee ku Dambeeyaa Dagaal Siyaasadeedka u dhaxeeya Khadiijo Diiriye iyo Baarliin Biin

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo tagay xerada Turkisom shaacana ka qaaday arrin muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Xiliga uu ku egyahay howlgalka Ciidamada AMISOM ee Somalia oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---