Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wasiir Cawad iyo danjire Qin Jian oo qodobo Muhiim ah ka wada hadlay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay Muqdisho safiirka China u fadhiya Soomaaliya, Mudane Qin Jian, iyadoo laga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah u dhexeeya.

Isagoo tilmaamaya qoto-dheeraanta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uu wasiirku bogaadiyay deeqaha waxbarasho ee Shiinaha uu siiyo ardayda Soomaaliyeed iyo barnaamijyada tababar ee diblomaasiyiinta iyo shaqaallaha rayidka Xukuumadda Federaalka si ay u kobciyaan xirfaddooda, howlgudashadooda iyo u adeegiddooda shacabka.

Wasiir Cawad ayaa ugu baaqay China in iskaashi ballaaran iyo maalgeshi laga sameeyo dhinacyo kala duwan oo horumarin ah si dalka dib u dhis loogu sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Muxuu James Swan kala hadlay Farmaajo iyo Shiikh Shariif?

Caydiid Ali

Dowlada oo Shaacisay waqtiga dib loo soo celinayo Dhalinyaradii loo qaaday Eritrea

Cabdi Cade

Madaale oo wareejiyay raashin iyo buskut ciidamada loogu talagalay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---